Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis cusub kala saxiixday.

ISTANBUL (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Magaalada Istanbul kula saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho.

Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah.

Dowladda Turkiga ayaa ku leh Magaalada Muqdisho Safaaradda ugu weyn Qaaradda Afrika ee Safaaraddaha Turkiga.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading