IZMIR ( IDIL NEWS)-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood.
Kulanka oo yimid kadib marti qaad uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga u fidiyey Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen, Wasiir Ciid ayaana dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo mashruuca biyo xireenka magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono.
Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee beeraleyda Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan kana kooban 10 qof.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.