Soomaaliya oo ka codeysay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka

Wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa ka qeybgalay doorashada hoggaanka ugu sarreeya ururkaas oo shalay ka dhacday caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Agaasimaha Boostada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Cabdfataax Maxamed, ayaa ka qeybgalay codeynta oo ah markii ugu horreysay tan iyo markii dib loo soo celiyay xubinnimada UPU sanadkii 2019-kii.

Doorashadii shalay dhacday waxaa ay u dhacday sidaan: Masahiko Metoki oo u dhashay Japan ayaa ku guuleeystay (Agaasimaha Guud ee hay’adda) halka Marjan Osvald oo u dhashay waddanka Slovenia uu asna ku guuleeystay (Agaasime Ku-xigeen).

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading