Suldaankii xukumayay 50 sanno Cumaan oo geeryooday

Dowladda Cumaan ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Qaabuus Binu Saciid oo ahaa hoggaamiyihii guud ee dalkaasi.

Suldaanka ayaa dalkaasi xukumaayay 50 sano, isagoo sannadkii 1970kii afgembi xilka kagala wareegay aabbihii.

Muran badan ayaa ka taagan Cida badali doonta boqorka, maadaama uusan dhalin wax caruur ah, waxaana Sharcigga dalkaasi uu dhigaya in Cidda boqorka ay iska soo xulaan qofka badali doona.

Saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa lagu dhawaaqey, sidoo kale 40 maalmood ayaa calanka hoos loo dhigayaa.

72ka sacaaddood ee socda ayaana la rajeynayaa in lagu dhawaaqo qofkii baddali lahaa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading