Suudaanta Koonfureed oo dib ubilaabaysa soo saarista shidaalka

Suudaanta Koonfureed waxay shaaca ka qaaday inay dib u bilaabayso howlaha shidaal soo saarista bisha dambe kaddib markii sannadkii 2013-kii la hakiyay wax soo saarka ceelasha shidaalka.
 
Wax soo saarka ceelasha shidaalka Suudaanta Koonfureed ayaa lagu wadaa in uu gaaro wax soo saarka maalin laha ah 375,000 barmiil muddo saddex sanno gudahood.
 
Shan sanno ka hor ayay ahayd markii dagaallada dartood loo joojiyay howlaha shidaal soo saarista dalkaasi, dalka wuxuu qorsheynayaa in maalin kasta uu ceelasha kasoo saaro 80,000 barmiil.
 
In dib loo bilaabo howlaha shidaalka waxay ka qayb ahayd heshiiskii xabad joojinta ahaa ay dhawaan kala saxiixdeen hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar iyo madaxweynaha South Sudan Salva Kiir.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading