Swan oo ujeediyay Golaha amaanka khudbad isu dheelitiran oo xaalka Somaliya ah

, addresses the Security Council meeting on the situation in Somalia.

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan,ayaa Golaha amaanka ee QM siiyay warbixin isu dheelitiran oo xaalka Somaliya ah.

Somaliya,waxay sii wadeysaa sidii ay u wajihi lahayd arimaha mudnaanta koowaad ee Qaran u ah,oo ay ka mid yihiin….

1.Geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka,.
2.Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Swan,ayaa xusay in Wajiga xiga ee dib u Eegista Dastuurka looga hadli doono,iyadoo la raacayo qaab dhismeedka Fadaraalka arrimo adag oo ay ka mid yihiin…

1.Awood qeybsiga.
2.Kheyraadka.

Swan,ayaa ugu baaqay dhammaan Saamileyda Siyaasadda Somalida in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay u xallin lahaayeen khilaafaadkooda ayna u raadiyaan heshiis loo dhan yahay.

Heshiiska is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland,isagoo ka hadalaya,ayuu Swan cadeeyay in Madax-bannaanida Dhuleed iyo Midnimada Somaliya in ay tahay lama taabtaan.

Swan,wuxuu ku dhiirigeliyay Somaliya iyo Itoobiya in ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabad ah,iyadoo la raacayo Mabaadii’da Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay iyo Sharciga Caalamiga ah.

Amniga,ayuu sheegay in uu weli uyahay mudnaanta koowaad Dowladda Somaliya,wuxuu ka codsaday dhammaan Saaxibadda Somaliya in ay maalgeliyaan hawlgalka la rajaynayo.

Qoondada Haweenka,ayuu dul istaagay in la xaqiijiyo iyo sidoo kale xaalada bini’aadantinimo ee Somaliya.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading