Taallada caanka ah astaanta u ah Twitter-ka oo la xaraashay

Waxaa lasoo gabogabeeyay xaraash lagu iibinayay boqollaal qalab ah oo yaallay xarunta Shirkadda Twitter ee Magaalada San Francisco.

Taallada astaanta caanka ah ee Twitter-ka oo u sameysan sida shimbirta ayaa lagu iibiyay lacagtii ugu badneyd, iyadoo lagu qaatay $100,000 (£81,000).

Dadka munaasabaddan ka daawanayay dhinaca online-ka ayaa gartay in qalabka la isticmaalay uusan qiimahooda gelin wax gorgortan ah, maadaama lagu iibinayay lacag ka badan tan tafaariiqda.

Xaraashka ayaa la sameeyay xilli milkiilaha Twitter-ka Elon Musk uu jaray kharashkii ku bixi jiray shirkaddan wixii ka dmabeeyay markii uu lacag dhan $44bn ku iibsaday sanadkii lasoo dhaafay.

Tan iyo markii uu Mr Musk Twitter-ka la wareegay bishii October waxa uu sidoo kale dhimay kala bar ka mid ah shaqaalihii Twitter-ka, isagoo shaqada ka eryay ilaa 7,500 oo Qof.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading