Taangiyo casri ah oo loogu deeqay Ukrain iyo wararkii dilka Putin

Reer Galbeedku waxay ugu deeqeen ku dhawaad 120-Taangi Ciidamada dagaalka kula jira kuwa Ruushka ee Ukrain.

Taangiyadaas,ayaa ah kuwii ugu danbeeyay oo casri ah,waxaana tirada ugu badan ku deeqay Maraykanka oo bixiyay 31-Taangi.

Waxaa la filayaa maalmaha soo socda in Ciidamada Ukrain ku hawlgalaan Taangiyadan oo ay baahi weyn uqabeen.

Wadamada ku deeqay Tangiyada,ayaa waxaa ka mid ah..

1.Maraykanka
2.Ingiriiska.
3.Jarmalka.
4.Norway.
5.Poland.
6.Canada.

Sidoo kale Ciidamada Ruushka,waxaa gabaabsi ku noqday Hubka,taasoo sababtay in Dowladu wefti udirto Waqooyiga Kuuriya.

Ruushka,ayaa usoo jeediyay Waqooyiga Kuuriya in uu Cunto uga badasho Hub.

Dhanka kale weerarkii Aqalka Kremlin,waxaa soo baxay war sheegaya in Putin laftigiisu soo abaabulay oo uu ka lahaa ujeedooyin dagaal.

Markii weerarku dhacayay Madaxweynaha Ukrain,waxuu ku sugnaa Dalka Finland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading