Taariikhda Hobyo maahan mid la taabsan karo!!
Waa qormo jawaab u ah qoraallada uu Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.
Hordhac:
Taariikhda saldanadii Hobyo, waxay qayb muhiim ah ka tahay sooyaalka Soomaalida. Waa la hayaa siday saldanadu ku aasaasantay; deegaankay ka talinaysay; muddaday jirtay iyo weliba, sida markii dambe uu isticmaarkii Talyaaniga Fashiistada ahaa uu u qabsaday.
Taariikhda dhabta ah ee saldanadu waxay ku kaydsan tahay buugaagtii ay qoreen soomaalida, Ingiriiska iyo Talyaaniga iyo weliba ABXADO-QOYSEEDKA (family archives) Reer KEENADIID.
Ujeedka qormadu maahan mid looga sheekaynayo taariikhdii saldanada.
Waxaan si kooban oo teel teel ah ugu soo gudbinayaa dhawr arrimood oo si toos ah iyo si dadbanba, la xiriira saldanadii Hobyood oo xilliyo kala duwan soo dhac dhacay iyo midda hadda taagan.
Arrimahaas oo markaad isu wada gaysid oo wada dul-istaagtid, kaa siin doona sawir dhammaystiran dulucda iyo biyo-dhaca qormada.
Keddib markii, ninkii la oran jiray Cesare Marie De Vecchi uu Xamar yimid 18.12.1924? , wuxuu durba bilaabay inuu beelihii deriska la ahaa saldanada iyo weliba kuwo kale oo deegaanno fogfog deggenaa uu ciidamo ka qorto, si ay uga qaybqaataan qabashada saldanadii Hobyo iyo boqortooyadii bari.
Arrintaan oo aan ahayn mid u gaar ah Soomaaliya, oo waa wax ay gumaystayaashii reer Yurub ku soo sameeyeen dalalka adduunka badankood.
Keddib qabashadii Hobyo, waxaa suldaankii xilligaas oo ahaa Cali Yuusuf aun. (Keenadiid wiilkiisii) iyo qoyskiisii la soo saaray Markab oo maxaabiis ahaan loo keenay Xamar (Mogadishu).
Suldaan Keenadiid (Yuusuf Cali) aun. , isagu Hobyo ayuu ku dhintay, intaan Fashiistadu imaan, taariikhdu markay ahayd 28.09.1911kii.
Soomaalidu waxay tiraahdaa “nin ciil qaba lagama adkaan”. Dhawr iyo toban sano keddib, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke aun.
Xamar ku aasaasay ururkii SYC (Somali Youth Club) ee markii dambe noqday SYL (Somali Youth League).
Yaasiin wuxuu ururka isugu keenay dhallinyaro ay ka go’an tahay gumaysi-nacayb iyo gobanimadoon oo haddana aan isku beelo ahayn.
Taasina waxay talyaaniga ku noqotay laf dhuun gashay.
Si Talyaanigu u jebiyo ama u wiiqo awooddii Leegada, ayaa nin la oran jiray Vincenzo Calzia, oo markaas hawl ka hayay Eritereeya, loo soo baddalay Mogadishu. Barnaamijka ninkaan loo soo dhiibay, waxaa ka mid ahaa:
- Maalgelinta iyo dhiirrigelinta abuuritaanka ururro lid ku ah Leegada.
- Ishortagid faafinta far Soomaaliga (i.e. Fartii uu Cismaan Y. Keenadiid u allifay af Soomaaliga, intii u dhexaysay 1920 -1922kii) oo ay Leegadu isticmaalaysay.
Talyaanigu wuxuu berigaas ku guulaystay inuu dad badan ka dhaadhiciyo in ururka iyo fartuba ay yihiin waxyaallo u gaar ah haraagii saldanadii Hobyo, oo ku hamminaya inay soo rogaalceliyaan oo ay isku ballaariyaan degaannada ay deggan yihiin beelaha kale.
Calzia waxaa u suuragashay inuu abuuro ururro beelaysan, keddibna ku mideeyo magaca ah “Conferenza della Somalia”
Nasiib wanaag, Soomaaliweyntii u oomanayd xornimada iyo ururkii Leegada ayaa ka guulaystay Talyaanigii iyo ururradii barotalyanka (Pro italiano) ahaa.
Soomaaliyana, waxay 1960kii noqotay dal xor ah.
Xilligii dawladdii dhexe ee Kacaankana, saddex arrimood baan ka xusayaa:-
Kow: Taariikh cusub baa Leegada laga qoray.
Magaca madaxweynaha ayaa lugu daray oo 14 looga dhigay. Waxaa la yiri, “inkastuu ahaa askari talyaaniga u shaqeeya, haddana si hoos hoos ah ayuu Leegada ula shaqayn jiray.
Laba: Inuu far Soomaaligii Leegadu isticmaalaysay uu u arkay far beeleed. Dadka qaar baa fartaas u yiqiinay “Cusmaaniya”, iyagoo curiyaha ugu magac daray.
Keddibna uu ku dhawaaqay in qorista af Soomaaliga loo qaato farta laatiinka (latin Script), halka uu qaadan lahaa far Soomaaliga (Somali Script).
Saddex: waxaa Raadiyo Muqdishu ka bixi jiray barnaamijyo taxane-taariikheed ahaa oo ku salaysnaa taariikho been abuur ah: alyacni in Saldanadii Hobyo iyo Boqortooyadii Bari ay ahaayeen kuwa isticmaarka Talyaaniga daba-dhilifyo u ahaa oo la shaqayn jiray, markii dambana ay suurageliyeen in Talyaanigu Soomaaliya qabsado.
Markii la soo gaaray xilligii jabhadayntana, waxaa dhacday in jabhadda USC ay adeegsatay taariikh been abuur ah, si ay dadkeeda u kiciso, oo ay hubka u wada qaataan.
Jabhaddu, waxay dadkooda ku akhriyeen, kana dhaadhiciyeen in “laga soo bilaabo Saldanadii KEENADIID ee Hobyo illaa dawladda dhexe ee KACAANKA, ay beeshoodu ku jirto gumaysi, waajibna ay qof kasta ku tahay in layska xoreeyo, dalkoo idilna laga tirtiro.”
Arrintaan siday u dhacday, meelahay ka dhacday iyo muddaday socotay, waa la wada og yahay.
Wixii ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Kacaanka, waxaa soo baxay buugaag dhawr ah iyo maqaallo laga been abuurayo, lagu inkirayo iyo ama lagu bahdilayo taariikhda Saldanadii Hobyo iyo weliba tii Leegada (SYL). Giddi waa la hayaa.
Tusaale yar baan ka soo qadanayaa buug uu qoraa Soomaaliyeed afka Ingiriiska ku qoray oo 566 bog ah. Qoraagu wuxuu qaybtii (unit) ururka Leegada u qaabilsanayd faafinta, ol-olahaha iyo wacyigelinta bulshada ee loo yiqiin “Horseed” ku tilmaamayaa, inay ahaayeen MALEESHIYO gaar ahaaneed (private Militia) oo xubnaha ururradii kale ee Talyaanigu sameeyay, kula dhaqmi jiray nooc kastoo cabsi-gelin ah (any form of intimidation) iyo weliba garaacid (physical attacks).
Wuxuu xubnihii qaybtaas uu ku tilmaamay (notorious unit), tusaale uga soo qaatay abwaan / halgamaa Xirsi Magan aun.
Si uu u muujiyo in xumaanta layska dhaxlo, ayuu wuxuu sii qoray “Xirsi Magan oo ahaa aabbaha Ayana Xirsi……, Ayan waxay qortay buuggii ‘Infidel’.” Bal xaggee lugu arkay buug taariikh hore ka hadlaya oo haddana joogtada (present) soo xiganaya!!!! Hadafka qoraagu, waa inuu akhristaha buugga fikrad khaldan iyo xumaan uga tuso Xirsi Magan aun.
Waxaa kaloo cajiib ah in ereyga “Horseed” oo afka Ingiriiska ku ah “Vanguard” uu sidatan u tarjumay “roughly meaning ACTION SQUAD”.
Waxaan anigoo u haya Dr. Abdurahman ixtiraam iyo qaddarin, halkaan ku caddaynayaa, in arrimaha uu kaga hadlay qoraalada uu soo dhigay Facebook-ga, ay ahaayeen kuwo ka hoos baxay oo xaqiiqada ka fog.
Waxay qoraalladu ahaayeen kuwa siyaasadaysan oo beel uu tilmaamay, loogu samaynayay taariikh been abuur ah.
Hobyo ma ahayn magaalo ku tilmaaman beel ama beelo ee waxay ahayd “Caasimad Saldano –Capital of sultanate”.
Hobyo iyo dhammaan degmooyinkii ex. Gobolka Mudug, waxay lahaayeen dawlad, maamul, iyo ciidan saldano.
Ma jirin colaad iyo xumaan ka dhaxaysay beelaha kala haybta ah oo waxay ka wada tirsanaayeen
Ciidamada, hawl-wadeenada iyo madaxda (i.e. Naa’ibada) magaalooyinka Saldanada.
Qoraalkaaga waxaa ku jiray “in Hobyo iyo degaanada ku dhow uu qabsaday Yuusuf Cali”.
Waxaan kuu sheegayaa in xilliga uu Yuusuf Cali yimid degaankaas, in aysan jirin magaalo, degmo, tuulo ama deked la yiraahdo Hobyo.
Runtii, garan mayo, halka aad ka soo xigatay in ‘Hobyo ahayd DEKED iyo soohdinta waqooyi ee ujuuraan’. !!!???
Hobyo waxay ahayd CEEL xoola-dhaqatadu ka cabto.
Xarumaha ugu muhiimsan ee Yuusuf Cali aasaasay, muddadii yarayd ee saldanadiisa, waxaa ka mid ah Hobyo (oo ahayd caasimadda Saldanada), Gaalkacyo, Ceelhuur, Ceelbuur, Dhuusamareeb, Xarardheere, Garacad, Ceeldibir, Baar-bacadle, Dirri, Waax iyo Maax… oo dhammaantood, markii hore wada ahaa CEELAL ay xoola dhaqatadu ka cabbaan.
Runtii waxaa ila habboon, inaad dib ugu noqotid qoraaladaadii oo aad dib u saxdid. Ma gafe waa Ilaah.
Sababta aan qormadaan dheer kuugu soo gudbiyay, maahan in ay caadifad qabiil igu jirto oo aan leeyahay “Hobyo unukaa leh” kkk. Waxaan kula wadaagay taariikhda dhabta ah ee magaalada Hobyo. Saldanadii Hobyo waxay gashay taariikhda, dibna usoo noqonmayso.
Waad og tahay in burburkii qaranka Soomaaliyeed keddib in dalkii oo dhan uu u gacan galay wax aan sanooyin ka hor u bixiyay ROOXAANTA (i.e. beelaha amaba qabyaalada). Rooxaantu waa Awooweyaasha iyo Ayeeyooyinka lugu abtirsado ee Ahlu Qubuurta ah. Dalkoo idili wuxuu in ku dhow 30 sano u kala cabbiran yahay Rooxaanta qayabaheeda kala duwan.
Waxaa waxgaradka Soomaaliyeed ee aad ka mid tahay, horyaalla, kow: inay si geesinimo leh taariikhaha dhabta ah, Soomaalinimada, Qaranimada iyo Islaanimada u baraan jiilka ku dhex dhashay burburka ee lugu koriyay taariikhaha been abuurka ah iyo caqliyadda Rooxaanta. Labo, inay u soo jeensadaan sidii ay dib-ugu-badbaadin lahaayeen, dib-ugu soo noolayn lahaayeen oo dibna-ugu-dhisi lahaayeen dalkii, qaranimadii iyo dawladnimadii aynu iska burburinay. Taas oo ka bilaaban karta keliya marka waxgarad waliba uu Rooxaantiisa runta u sheego, keddibna ay isugu yimaadaan GOGOL-QARAMEED oo dalka gudihiisa lugu qabto.
Ugu dambaystii, Dotoore, ii oggolow inaan laba arrimood oo kaftan waayeel ah kula wadaago:
1- Intaad Taariikh-u-samaynta Hobyo diiradda saaraysay, baa waxaa kaa hoos baxay, sheegidda in Rooxaantu (i.e. Beeshu) ay meelo ama degaanno qabsashada soo bilawday qarnigii 17naad, jeerkaas oo ay Saldanadii Ajuuraanka qabsadeen. kkkk
2- Waxaan is lahaa, in marka Dotoorku Hobyo tago, inuu si geesinimo leh u oran doono “Waa in Reer keenadiid wax laga siiyaa Kuraasta Magaalooyinka uu Awowgood aasaasay. Kkkk
Dhammaad
Qakinkii:-Xaashi Yaasiin Cismaan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.