Tahriibayaal soomaali ah oo laga soo bad-baadiyay xeebaha Greece

Hay’ad lagu magaaco Greek Helsinki Monitor ayaa baahisay in badbaadisay 26 Somali ah, kuwaas oo kasoo tahriibay xeebaha Turkiga si ay ugu gudbaan qaar kamid ah dalalka Yurub.

Dadkaas oo markii hore ka baxay meelo kamid ah Soomaaliya ayaa muddo ku sugnaa dalka Turkiga, hayeeshee ugu dambeyn gacanta lagu dhigay xilli ay doonayeen inay u tahriibaan Yurub.

Ciidamo ka tirsan ilaalada Xeebaha dalka Gareece ayaa dadkaasi geeyay kaam kuyaal dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay ku heysato dhibaatoogin kala duwan.

Tahriibayayaasha Soomaalida ah oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa waxaa ay u badan yihiin Dhalinyaro, waxaana Xerada ay ku sugan yihiin ku ilaaliyaha Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Greece.

Xeebaha u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Greece ayaa waxaa sanad walba lagu qabtaa Soomaali dooneysa inay tahriib ku galaan Yurub, kuwaas oo badankood loo soo celiyay dalka Turkiga.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading