Idaacada Codka Maraykanka,waxay toos ula xiriirtay Taliska Ciidamada Difaaca Puntland.
Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland Jen.Aadan Cabdi Xaashi,ayay waraysi kala yeelatay garaacista Maraykanku fuliyay ee Argagixisada.
VOA,waxay xog ogaal ka tahay ama si dhow ula socotaa wada Shaqaynta Maraykanka iyo Puntland,waxayna og tahay in Bartilmaameedyada la garaacay uu asteeyay Taliska Ciidamada Difaaca PL 5-beri ka hor.
Waxaa wax weyn u ah iyo maqaam uu gaaray oo muujinaya in uu kor ukacay awoodiisa Maamul iyo xogeed Taliska Ciidamada Difaaca Puntland wada Shaqaynta tooska ah ee dhexmartay Pentagonka.
GPS-yadii uu bixiyay Taliska Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa toos loogu hawlgalay oo ay garaaceen Diyaaradaha Maraykanka,iyadoon xaqiijin kale aan loo baahan.
10-Bartilmaameed oo la garaacay 7-ka mid ah,waa lagu guulaystay,waxaana loogu tagay Argagixisadii muhiimka ahayd.
Waxyar kadib markii Garaacistu dhacday,waxaa ka degay goobaha la garaacay Diyaarado Maraykan ah oo qaatay Maydadka qaar,sida xoguhu sheegayaan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.