Taliye iyo Taliye kuxigeen loo magacaabay Ciidammada Isku-dhafka ah ee G. Mudug (VIDEO)

Kulankaan oo ahaa mid lagu xoojinayo shaqada ciidamada xasilinta booliiska gobalka mudug oo door weyn ka qaatay nabbada iyo xasiloonida gobalka isla markaana ay ka qeyb galeen saraakiisha booliiska Gobalka mudug ee dowlada puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada galkacyo.

Munaasabadan oo Gaalkacyo ka dhacday ayaa Dhame Cabdiqani Yaasin Maxamuud lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka isku dhafka ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug,waxaana Xidigle Mahdi Maxamed Cabdi,(Mahdi dheere) loo Magacabay ku xigeenka Ciidamada iskudhafka.

Munaasabadan Magacaabista ah waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaasha qaybta Labada dhinac Puntland iyo Galmudug Taliyaha qaybta gobalka Mudug Gashanle sare Mumiin Cabdi shire iyo Taliyaha qaybta Galmudug G/dhexe Qaasim Shirdoon Cali.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading