Taliye ku-xigeenadii Booliska Puntland oo xilkii laga qaaday.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 27-da April, 2020, ku soosaaray Xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading