Allaha u naxariistee waxaa saakay magaalada Muqdishu ku geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo) oo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.
Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho, waxaana geeridiisa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo).
“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka hadlaya geerida taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa yiri.
“Anigoo ku hadlaaya magaca Dowladda iyo shacabka Galmudug, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Gen. Cabdulqadir Cali Diiriye, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay, waxaan Eebbe uga baryayaa inuu ka waraabiyo janadul Firdowsa.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in la Aaso meydka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo), iyada oo ay Aaska ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.