Taliyihii hore ee NISA oo ka bad-baaday isku day dil oo Farmaajo la damacsaneyd (VIDEO)

Taliyihii hore ee NISA Jen Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in lagu rasaaseeyay isgoyska Miranaayada ee Degmada Cabdicasiis, Tuuryare waxaa uu tilmaamay in ciidamada rasaaseeyay aaney aheyn kuwii degmada ka shaqeyn jiray, oo ay yihiin Ciidamo cusub oo goobtaas la geeyay xalay, kuwaas oo lagu magacaabo Duufaan.

Tuuryare ayaa sheegay in rasaastaasi ay aheyd daandaansi si ula kac ah loo sameeyay, isagoo xusay in isku day dil uu ahaa falkaasi isla markaana uu la tashiyo la sameyn doono saraakiisha lagana jawaabi doono haddii aan laga jawaabin sababta keentay gaarigiisa oo la yaqaano in la rasaaseeyo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading