Taliyihii Iyo Abaanduulihii Ciidamada Daraawiish-ta Puntland oo Is-casilay.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Taliyihii Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee (Daraawiish-ta) Gen. C/shukri C/llaahi Xuseen, ayaa iska casilay Xilkii, isagoona Waraaqda Is-casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wararka ayaa Sheegaya in Gen. C/shukri uu saacadihii lasoo dhaafay u gudbiyay Waraaqda Is-casilaadiisa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Is-casilaada Taliyihii Ciidamada Daraawiish-ta ayaa loo sababeeyay Wada-shaqeyn la,aan ka dhex jirtay Isaga iyo Madaxweyne Deni tan iyo markii la doortay.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in uu is-casilay Abaanduulihii Ciidamada Daraawiish-ta Siciid Maxamed Cali Goranyo-cawl, kaas oo isna is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Si kastaba ha ahaatee, Is-casilaada Taliyihii iyo Abaanduulihii Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee Daraawiish-ta ayaa kusoo beegmaysa xilli Xiisad dagaal ay ka jirto Gobalka Sanaag, taas oo timid kaddib markii ciidamada Somaliland ay la wareegeen Degaano katirsan Gobalkaas.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading