Taliyihii NISA ee Doolow oo ay dishay xaaskiisa

Taliyihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya ee NISA ee degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa talaadadii lagu dilay degmadaas, kaddib rasaas ka dhacday hoygiisa Doolow.

Dilka Taliye Ibraahim Hilwole Xuseen ayaa loo qabtay xaaskiisa, oo guriga kula jirtay kolka xabadda lagu dilay Taliyuhu dhacaysay. Ciidamada amniga ayaa haweenaydan u taxaabay xabsiga halkaas oo lagu baarayo.

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading