Tallaalka COVID-19 oo maanta laga daah-furayo deegaanada Puntland

Tallaalka cudurka COVID-19 ayaa maanta laga daah-furaya deegaanada Puntland, kaas oo si toos ah uga bilaaban doona 30 goobood oo ku yaalla 9 Gobal ee Puntland.

Wajiga 1-aad ee tallaalka ayaa lagu bilaabi doonaa Shaqaalaha ku jira safka hore, sida Shaqaalaha Caafimaadka, Ciidammada Booliska, Asluubta, Macalimiinta, Saxaafadda iyo Dadka ka waa weyn ee qaba xanuunada macaanka iyo dhiikarka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo dhowaan Saxaafadda la hadlay ayaa ugu baaqay Shacabka inay qaataan tallaalka, si looga hortago cudurka COVID-19, oo saameyn balaaran ku yeeshay dunida.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading