Talyaha Booliska Jubaland Oo markii koobaad la siiyay Beesha Hartiga

Talyaha Booliska Dowlada Jubaland,waxaa laga dhigay Nin kasoo jeeda Beesha Reer Bicidyahan Majeerteenka Harti JL,waana awood qaybsigii la sugayay.

Sidoo kale,waxaa dhawaan la magacaabi doonaa Wasiiru-dowle cusub oo markii ugu horaysay la siinayo Beesha Warsangeli ee Harti-ga JL.

Waxaa la buuxin doonaa Booskii Darwiish oo la siinayo markan Wasiir “A”Beesha Maxamuud Saleebaan Majeerteenka Hartiga JL.

Waxaa kale oo la magacaabayaa Wasiir “B” ah oo a siinayo Beesha reer Maxamuud ee Majeerteenka Hartiga JL.

Waxaa iyadana la sugayaa 9-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka JL ee kor loo hayo in la siiyo 5-ka mid ah Beesha Harti oo saluugsan qoondada ay ku leeyihiin Xildhibaanada.

Isbadalo ku fiican awood qaybsigii laga sugayay Maamulka Axmed Madoobe,ayaa hirgalaya.

Halkan ka akhriso:-

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading