Talyaha Booliska Puntland oo xog waran ka qaatay Qaybta Taraafikada

Taliyaha Ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi,ayaa shir laqaatay hogaanka iyo Taliyaasha ciidanka ilaalada Wadooyinka gobolada Puntland.

Kulanka waxaa ka qayb galay Hogaanka ciidanka ilaalada wadooyinka DPL G/sare Cabdi fataax Siciid Saleebaan,Afhayeenka Booliska Puntland G/sare Xassan Cabdullahi Maxamed,Taliyaasha ciidanka Taraafikada Gobolada Puntland iyo madaxda Shirkadda Puntland raod sefty com.

Taliyaha Ciidanka booliska Dowladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi,ayaa warbixin guud ka dhagaystay taliyaasha taas oo ku aadan xaalada nabadgalyada wadooyinka Puntland iyo shilalkii dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay.

S/guuto Maxamed Cali Xaashi Taliyaha ciidanka booliska DPL ayaa hogaanka iyo taliyaasha ciidanka taraafikada uga mahad celiyay dowrka hormarineed ee ay ka qaateen ilaalinta nabadgalyada wadooyinka,wuxuu Taliyuhu bogaadiyay sida Ciidanka ilaalada wadooyinka ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin qabashada shaqooyinka ilaalada wadooyinka, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA CIIDANKA BOOLISKA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading