Talyaha Ciidamada la dagaallanka argagixisada PISF oo xilka wareejinaya

Talyaha Booliska iyo Agaasimaha Ciidamada Badda,ayaa ugeeyay Madaxweyne Deni Aamiin Xaaji Khayr.

Ugaynta Madaxweynaha,ayaa daarnayd in lays fahansiiyo isaga iyo Madaxweynaha oo aad ukala fogaa.

“Madaxweyne xilka waa wareejinayaa,waxaana u imid in aan xilka tiriyo,waxaase jirta Lacag dayn ah oo aan ku galay Ciidanka”Ayuu yiri Aamiin.X.

Madaxweynuhu,waa ka aqbalay in dayntaas laga bixiyo,wuxuuse waydiiyay sababta uu Ciidanka udhexgalay,wuxuuna ku jawaabay,waxaa ku jira Saraakiil aan loo baahnayn oo ka shaqeeya kala fogaynta iyo tafaraaruqa Ciidanka oo aanan rabin in ay kusii dhex jiraan.

Isku soo wada duuboo Aamiin dhawaan,ayuu wareejin doonaa hogaanka Ciidanka PISF,waxayna ubadan tahay in laga dhigo Agaasimaha Macdanta.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading