Talyaha cusub Ee Booliska fadaraalka Oo xilkii la wareegay

Talyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay ciidanka Booliska fadaraalka Soomaaliya Jen. Bashiir Cabdi Maxamed,ayaa maanta xilka kala wareegay Jen Mukhtaar Xuseen Afrax oo bilihi dambe si KMG ah xilkaasi u hayay.
 
Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen taliyaasha ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda fadaraalka Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka amniga ee xukuumadda fadaraalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.
 
Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka sukoow inuu si KMG ah u ahaa taliyaha ciidanka Booliska fadaraalka,ayaa hadana waxaa uu yahay taliye ku xigeenka 1-aad ee ciidanka .
 
Taliyaha Cusub Jen. Bahsiir Cabdi Maxamed waxaa uu kamid ahaa taliye ku xigeenada Booliska fadaraalka Soomaaliya ka hor inta aysan Xukuumada u magacaabin xilkani 19-kii bishan February waxaana uu maanta si rasmi ah ula wareegay xilkiisa cusub ee Taliyaha Ciidanka Booliska fadaraalka Soomaaliyeed.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading