Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cimi iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidanka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha JFS, ayaa maanta si rasmi ah Xilka u wareegay, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Waxaaradda Difaaca Soomaaliya.
Munaaasabadda, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta, Taliyahii hore iyo Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga, Saraakiil ka socotay Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.