Talyaha Saldhiga bartamaha Gaalkacyo oo Qarax ka badbaaday

Xarunta Gobolka Mudug,waxaa isku day dil uu ka badbaaday Taliyaha Saldhiga Magaalada Gaalkacyo Cabdiqani Xabuun.

Taliyaha ayaa la sheegay in Gaarigiisa uu ogaaday in qarax uu ku xiran yahay,kadib markii uu ka shakiyey xilli uu doonayey in uu ku aado goobtiisa Shaqada,waxaana la sheegay in uu qarxay mudo 15-daqiiqao kadib markii la ogaaday.

Markii Talyaha uu ogaaday Gaariga in uu qarax ku xiran yahay,ayaa 15-daqiiqo kadib waxaa qarxay Gaarigii.

Wararka,ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin taliyaha iyo qoyskiisa, kadib markii dhamaantood ay ka baxeen Guriga oo uu dhex yaallay Gaariga miinada lagu xiray ee qarxay.

Qaraxa Baabuurka Taliyaha lagu xiray,ayaa noociisa wuxuu yahay midka dhajiska ah ee Baabuurta lagu hoos xiro.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo laamaha amniga Degmada Gaalkacyo oo ay kaga hadlayaan qaraxaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading