Talye Saldhig Boolis Oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Taliyaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macallin Daahir Xuseen, waxaana dilka geystey koox ku hubeysan bastoolado xilli uu ku sii jeeday Saldhigga booliska uu taliyaha ka ahaa.

Wararka waxa ay sheegayaan in xilligii la dilayay taliyaha aysan la socon wax ilaalo ah, waxana uu watay gaari yar isagoona lagu diley meel aan ka fogeyn saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda.

Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday waxaana meydka taliyaha la geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID si baaritaan loogu sameeyo sida dilka uu u dhacay.

Maamulka Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ee degmada ay bilaabeen baarista dadkii dilka ka dambeeyay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading