Talyihii hore Ee Daraawiishta Puntland Jeneral Careys oo geeriyooday

Dowlada Puntland,ayaa Tacsi ka dirtay Geerida ku timid Talyihii hore ee Daraawiishta Jeneral Cabdulaahi Cali Mire Careys.oo goor dhawayd ku geeriyooday caasimada Puntland ee Garowe.

Jen Carays ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Soomaaliya, waxaa lagu xasuusta doorkiisi dhismaha ciidanka Puntland iyo howlihii amniga ee deegaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay afka golayaasha xukuumadda Puntland  ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Jen. Cabdullaahi Carays.

Bahda idil News,waxay Tacsi udirayaan guud ahaan shacabka Puntland,gaar ahaan qoyskii uu sida gaarka ah uga baxay.

Halkan ka akhriso Tacsida


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading