Tartanka Ciyaaraha Gobalada Puntland oo maanta lasoo gaba-gabeynayo

Xulalka Gobalada Nugaal iyo Haylaan ayaa maanta ciyaari doona Finalka Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland, kaas oo soo bilowday 1-dii bishan August.

Ciyaartan oo ah mid xiiso badan ayaa u diyaar-garowgeeda si weyn looga dareemayaa Caasimadda Puntland ee Garoowe, kumanaan qof oo ka kala yimid gudaha Caasimadda iyo deegaanada kale Puntland ayaana jartay Tagidyada garoonka Mire Awaare, si ay u daawadaan ciyaartan.

Sidoo kale, Masuuliyiin ka socda Wasaaradaha iyo xiriirada kubadda cagta DFS, iyo Dowlad Gobaleedyada kale ee Dalka ayaa ka qeybgalaya daawashada ciyaartan, oo uu goobjoog noqon doono Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading