Waxay ahayd magaalada Basel, sannadii 1897 markii ugu horraysay ee uu qabsoomo shirwaynihii ugu horreeyey ee Yuhuudda muddo 2kun oo sano ah, waana maalintii uu ku tiraabay oraahdii taariikhda gashay ee ahayd: ”Maanta waxaan asaasay dowlad Israa’iil, laakiin haddii aan imminka cod-dheer ku iraahdo waxaa macquul ah in adduunku igu qoslayo. Haddiiba aanay 5sano ahayn, waan hubaa in 50 sano ka dib caalamku arki doono dowladda Israa’iil”- sidaas waxaa yiri: Theodor Herzl.
Theodor Herzl, wuxuu ahaa Joornaaliiste, qoraa, howl-dhabeen, aabaha siyaasadda casriga ah ee sahyuuniyadda iyo aas-aasaha dhabta ah ee dowladda Israa’iil.
Herzl, wuxuu ku dhashay magaalada Budapes ee dalka Hungary sannadku markuu ahaa 1860. Waxaa dhalay qoys Yuhuud cilmaaniyiin ah. Aabihiis wuxuu ahaa ganacsade ladan. Herzl, waxa uu carruurnimadii iyo wax bashadiisii asaasiga ahaydba ku qaatay Magaalada Budapest, balse waxay u guureen magaalada Vienna markii walaashii ka wayn isaga ay geeriyootay.
1878 ayey ahayd markii uu bilaabay jaamacadda Vienna, kulliyadda qaanuunka. Inkasta oo uu markii danbe u banbaxay saxaafadda oo uu xiiso waalan u hayey. Waxa uu sidoo kale jeclaa suugaanta iyo masraxiyadda. Waagaas waxa uu sidii wax falan u akhrin jiray murtidii macallimiintii waa waynaa sida, Goethe iyo Shakespeare.
Herzl, wuxuu markan u xuubsiibtay saxafi khatar ah, wuxuuna u shaqayn jiray Neue Freie Presse. Xilliyadaas uu caalamka saxaafadda iyo badwaynta suugaanta uu dhex-mushaaxayey waxaa la wariyaa in uusan isku howli jirin, waligiisna wax ka qorin wax ku saabsan bulshadii Yuuhuudda ee berigaas dibad-yaalka ahayd.
Dhacdadii Dreyfus (Dreyfus affair) ayaa la isku raacsan yahay in ay maankiisa rogtay. Alfred Dreyfus, wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Fransiiska. Waxaa lagu tuhmay khiyaano qaran iyo in uu sir-ciidan u gudbiyey jarmalka. Sheekadan oo la sheego in ay ahayd been abuurasho iyo dulmi lagula kacay odaygan Yuhuudiga ah ayaa saaxafadda qabsatay.
Dhacdadani waxay indhaha u furtay Herzl, wuxuuna ku baraarugay in ay jirto nacayb iyo khatar ku soo food leh yuhuudda ku nool Galbeedka. Wuxuu isku howlay sidii xal loogu raadin lahaa qaddiyadda Yuhuudda. Herzl, wuxuu xalku ula muuqdaa markan in la helo dowlad yuhuuddu leedahay. Waana sida kaliya ee ay ku nabad-gali karaan. Barigaas ayuu soo saaray qormadii caan baxday ee Der Judenstaat (The Jewish State). Aragtida ka danbaysa dadaalkiisa ayaa ah in Yuhuuddu helaan dal ay xor u yihiin, ku cibaadasan karaa, ku noolaan karaan xorriyad, iyaga oo aan cidna marti u ahayn.
Baadi-goobka dowlad Israa’iil leedahay oo la helo ayuu Herzl u tafaxaytay. Xaqiijinta hadafkiisa iyo rumaynta riyadiisaas wuxuu la kaashaday cid wal oo uu u arkayey in ay wax kala qaban karto. Yuhuud iyo dublamaasiyiin kale oo Jarmal iyo Ingiriisba leh waa uu la kulmay, ilaa ay ka gaartay in uu u safro Istanbuul iyo boqortooyada Cismaaniyiinta 15 June 1896 si uu Boqorkii C/xamiidkii II, ugu qanciyo in Yuhuudda loo oggolaado in ay dagaan dhulka falastiin, oo ay ku hoos-noolaadaan xukunka Cismaaniyiinta, isaguna taas uu beddelkeeda bixinayo lacag badan si ay isaga bixiyaan daynta ay la luudaysay Saldanaddii howl-gabka ahayd, balse arrintaas aad ayuu uga carooday Suldaankii Cismaaniyiintu.
Sannadkii 1897 ayey ahayd markii Herzl, qaban qaabiyey shiwaynihii ugu horreeyey ee Sahyuuniyiinta. Shirkan oo ka dhacashay Magaalada Basel ee dalka Switzerland, ayaa waxaa ka soo qayb galay 208 ergo ah. Waxaa la sheegaa in uu ahaa shirkii ugu horreeyey oo xubno Yuhuud intaa tiro le’eg isugu timaado muddo labo kun oo sano ah (2000 sano). Kulankan oo looga arrin sanayey baadi-goobka dowladda Israa’iil waxa uu socday intii u dhaxaysay August 29 ilaa August 31, 1897, halkaas oo Herzl loogu doortay hoormuudka shirwaynaha Yuhuudda, wuxuuna howshan garwadeen ka ahaa ilaa uu ka geeriyooday sannadii 1904.
Theodor Herzl, geed dheer iyo mid gaabanba wuu u fuulay sidii loo heli lahaa dowlad Israa’iil. Herzl, ma ahayn nin diimeed, xataa ma aqoon afka Yuhuudda, balse arrinkiisu wuxuu salka ku hayey qowmiyad iyo aragti waddaniyadeed. Waxaa u darnaa in dadkiisu bad-baado oo qadiyaddooda xal loo heli. Si dhul loogu helo dadkan isaga muhiim uma ahayn meesha la tago inkasta oo uu jeclaa dhulka Falastiin, haddana, waxaa wax walba isaga uga horraysa in qowmkiisu meel aan Yurub ahayn sal-dhigtaan, waxaana arrintaas marag ka ah in uu aqbalay markii loo soo bandhigay Ugandha oo uu hore ka qaatay, waxa uuna ku taliyey bal in markan la aado Ugandha, ka dibna Falastiina loo soo jeesto hadhow. Qodobka ku saabsan qaadashada dhulalkii loo yaboohay Yuhuudda, waxaa uu Herzl kala kulmay diidmo iyo kala-qaybsanaan ba’an oo Yuhuudda dhexdeeda ah. Markii danbe waxaa la isku raacay in la iska daayo Ugandha iyo meel kale oo dhan, balse la raadiyo Falastiin.
Halgan iyo dadaalkii dheeraa ee uu waday Herzl, wuxuu galaaftay caafimaadkiisa iyo noloshiisii. 3-July-1904, ayuu ku geeriyooday dalka Austria, waxaana lagu aasay magaalada Vienna, balse waxaa markii danbe ee la dhisay dowladdii Israa’iil laga saaray maydkiisii Vienna, waxaana markan danbe 1949 lagu aasay magaalada Qudus.
Herzl, wuu geeriyooday, balse dadaalkiisii waa miro-dhalay, riyadiisiina waa rumowday. Todobaadkii tagay ayey ahayd markii safaaradda USA loo soo raray magaalada Qudus. Afartii madaxwayne ee ugu danbeeyey ee soo mara dalka Maraykanka mid wal oo ka mid ahiba wuxuu ballan qaaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil oo uu Maraykanku aqoonsan yahay, safaaradoodana ay u rari doonaan halkaas, balse Taraam, ayaa noqday madaxwaynihii fuliyey ballantaas. Maanta Israa’iil, waxay haysataa garab iyo gaashaan, balse Falastiiniyiintu waxay u muuqdaan ummad agoon ah oo aan ehel lahayn.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.