Tiitole-tiigsade

Tiitole-tiigsade

Degmo ka mid ah degmooyinka Soomaalidu degto ayaa maammulkeedii dawladda hoose amar ku soo rogey in dadweynaha halkaa ku dhaqan is-diiwaangeliyo oo qof kasta yeesho Kaadhka Aqoonsiga (Identity Card). Waxaa lagu wargeliyey in cid walba laga qaadayo sawirro wejiga, faraha iyo indhaha ah. 

Aroortii dambe ayaa rag fara badan bartii kaadhadhka laga bixinayay saf dheer u soo galay. Ruux walba waxaa la su’aalay tiitolaha (title) magaciisa ka horreeya. 

Cawl Cawaale oo safka kaga jirey ninka tobnaad ayaa maqlay raggii ka horreeyey oo tiitole aan waxba ka jirinnin sheeganaya, sida: Doktoor, Borofesoor, Injinyeer, Jeneraal, Mujaahid, Aqoonyahan, Dhaqaaleyahan, Cayaaryahan iyo mid sheegtey Dagaalyahan, iwm.

Cawl Cawaale ayaa doorkiisii la soo gaadhay. “Muxuu tiitolahaagu yahay?” – ayaa la weyddiiyey. “Caqliyahan,” – ayuu ku warceliyey.

 

Gobaad Cumar Guuleed

London, 12.05.2018

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading