(TPEC) oo ku wareejisay Buugga xogta guud ee xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka W. Arimaha Gudaha PL

Garowe, August 06, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) kala wareegay buugga xogta guud ee xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dowladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland TPEC Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliso Xoghayaha Guud ee Guddiga Marwo Ubax Abshir Cabdullaahi kala wareegay buugga Liiska xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka ee Dowladda Puntland.

Buugaan oo ay ku dhantahay xogta guud ee xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee lagu soo doortay nidaamka dimoqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod ayaa waxaa si rasmi ah u la wareegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo dhawan mudayn doonta jadwalka fariisinta Goleyaasha Deegaanka Puntland ee 30 Degmo.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading