TPEC oo kulan la qaadatay Urur siyaasadda iyo Booliska Qardho

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Degmada Qardho kulan kula qaatay Ururadda Siyaasadda Puntland, maamulada heer gobol iyo degmo iyo taliska qaybta booliska.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa isxogwaraysi iyo qiimayn shaqada socota oo ay ugu horrayso qaybinta kaararka codbixinta.

Dood dheer ka dib, waxaa la isla qaatay in la mideeyo farriimaha wacyigelinta ee la xiriira kaarar qaadashada laguna koobo in dadwaynaha lagu dhiirigeliyo qaadashada kaararka iyo in looga digo dadka in aysan kaararkooda cidna u dhiiban ee ay haystaan si ay maalinta codbixinta u adeegsadaan.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading