TPLF oo dib u qabsatay magaalo muhiim ah

Ciidamada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad militari, islamarkaana ciidamada federaalka dib uga qabsadeen magaalo, Axaddii.

Sheegashadooda ayaa imaneysaa ayada oo weli dagaalka gobolka uu socda xilli ay dowladda sheegtay Sabtidii inuu dhammaaday, kadib markii ciidamadeeda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle.

Weli ma jirto jawaab ay dowladda ka bixisay sheegashadan, oo uu ku dhowaaqay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, kaasi oo farriin qoraaladeed u diray wakaaladda wararka Reuters.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading