Tplf oo sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalka

AfhayeenkaTPLF,Getachew Reda oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in qorshihii Dowladda Itoobiya iyo Eritrea ee ahaa in ay dhinacyo kala duwan ka weeraraan Mekelle oo ay qabsadaan,islamarkaana ay ku sameeyaan Hub ka dhigis Ciidanka Tigreega.

Getachew,wuxuu sheegay in dagaalladii maalmahan socday ay guullo ka soo hooyeen,wuxuuna xusay in ay fashiliyeen qorshihii Dowladda Dhexe ee ahaa in la qabsado oo Hubka laga dhigo,isagoo sheegay in ay u babac dhigeen Ciiddan Sagaashan kun gaaraya.

“Khasaare aad u badan,ayaa cadowga soo gaaray toddobaadyo gudahood waxaan ka dilnay Toban Kun Ciidan gaaraya,waxaan kaloon qabanay maxaabis Ciiddan oo kumanaan gaaraya.Ciiddanka dagaalka ku dhintay ka sokow waxaa baddan inta Wabiyadu qaaden ee Biyaha ku dhintay.”; ayuu Yirii Getachew Redda.

Getachew oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri..”Dowladda Dhexe wada hadalada way ku soo noqon doontaa maadaama dagaalka lagaga gacan sareeyay,waan hubaa in ay Miiska wada hadalka iman doonaan.Waxaase dhibaato ah in kumanaan dhintaan iyadoo aakhirka wada hadal la gali doono”.

Hadalka Afhayeenka Tplf ,ayaa imaanaya maalmo ka hor,iyadoo laga qabsaday Sharero,isla markaana ay burburtay Xabad joojin ay ku dhawaaqeen.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading