TPLF oo Shuruud ka dhigtay bixitaanka Ciidamada Eretereya

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay geysanayaan gabood-fallo, inkastoo dhawaan la gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka labada sano socday.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray Getachew Reda ayaa sheegay in Ciidamada Eritrea ay laayeen dad shacab ah, isla markaana ay dhac iyo hanti burburin u geysteen.

Wuxuu sheegay in dagaalyahanada Tigreega aysan hubka dhigi doonin ilaa dowladda Itoobiya ay xaqiijiso ka bixitaanka Eritrea iyo ciidamada kale ee gobolka.

Sarkaal u hadlay Itoobiya,ayaa sheegay in arrinta Eritrea la xalin doono marka ugu horreysa ee ciidamada federaalku ay fariisimo ka dhigtaan aagga xuduudda Tigrayga.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading