Trump iyo Ra’iisulwasaaraha Pakistan oo kulan gaar ah wada qaatay

US President Donald Trump (R) speaks with Pakistani Prime Minister Imran Khan ahead of their meeting at the World Economic Forum in Davos, on January 21, 2020. (Photo by JIM WATSON / AFP) (Photo by JIM WATSON/AFP via Getty Images)

Waxaa kulan gaar ah ku wada yeeshay dalka Swezerland madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo raysal wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan.

Kulankoodan gaar ah ayaa waxa ay uga arrinsanayeen labada masuul xaalada guud ee gobolka, gaar ahaa khilaafka mudada dheer socday ee u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya, sidii lo dardargelin lahaa xal u raadinta dagaalkaasi.

Sidoo kale waxa ay iskala soo qaadeen xaalada wada hadalada Washington iyo Taalibaan ee mudada soo taagnaa, waxaana ay tani kusoo beegmaysaa, iyadoo dawlada Pakistan ay horay u balanqaaday inay kaalin ka gaysan doonto joojinta dhiigga faraha badan ee ku daatay dalka Afghanistan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading