Trump oo amar ku bixiyay in aan mar danbe loo balamin Madaxweyne Buhaari

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kaaliyeyaashiisa u sheegay in uu rabo in uusan mar dambe la kulmin madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo 75 jir ah oo uu ku tilmamay mayd noole, ka dib markii uu Aqalka Cad ku qaabilay bishii Abriil, sidaa waxaa wargeyska UK ka soo baxa ee Financial Times u sheegay saddex ilood.

Buhari ayaa ahaa hoggaamiyihii koobaad ee dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ee Trump uu ku casuumo Aqalka Cad, taas oo muujisay in madaxweynaha Maraykanku uu Nigeria oo shidaal badan soo saarta lana dagaalamaysa koox jihaaddoon ah u arkay mid ka mid ah xulafadiisa muhiimka ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading