Trump,waxa uu Canshuur kusoo rogay Dheeriya Dalalka Canada,Shiinaha iyo Mexico.
Mexico durba,way udabacday dalabkii Trump ee ahaa in ay adkayso xuduuda ay la leedahay Maraykanka oo hakiso Dadka Sharcidarada ah ee soo galaya Maraykanka.
Sida goor dhawayd ay sheegtay Gabadha xukunta Mexico,waxay isku afgarteen Trump kadib wada hadal dhexmaray in 10-kun oo Askari oo Ciidanka Mexico ah la keeno Xuduuda,taa badalkeedana Trump Mudo Bil ah uu hakiyo Canshuurta dheeriga ah.
Canada,waxay dhankeeda joojisay ku dhawaad 1200-Shay oo ay ka keensan jirtay Maraykanka,iyadoo uga jawaab celinaysa Canshuurta 25% ah ee Trump kusoo rogay Badeecadaha ay usoo dhoofiso Maraykanka.
Sidoo kale Canada,waxay sheegtay in ay Ururka Ganacsiga Aduunka ay Dacwad ugudbin doonto ka dhan ah Maraykanka.
Shiinaha wax hadal iyo talaabo ah oo ka weyn in ay Dacwad ugudbin doonaan Ururka Ganacsiga Caalamka masoo saarin.
Wadamada Midowga Yurub oo Madaxdoodu shirsan tahay,ayaa iyaguna wal wal weyn ka muujiyay goodiga Trump ee ah in uu kusoo rogi doono Canshuur dheeriya Badeecadahooda.
“.Dagaal Ganacsi Maraykan iyo Yurub dan uma ahan,waana nacasnimo iyo waxaan dhinacna ku guulaysanayn,hadiise Trump ku adkaysto,waxaan bixin doonaa jawaab adag oo xoogan”Ayay yiraahdeen Madaxda Yurub qaarkood.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.