Trump oo joojiyay Lacagihii Maraykanku ku bixin jiray…….

Madaxweyne Donald Trump ayaa joojinaya malaayiin doollar oo Mareykanku ku bixiyo dhiirrigelinta dhaqanno ka hor imanaya diinta & caadooyinka dadka dalalka – kuwaa oo ay kamid yihiin;

1. $849,535 – Waxaa lagu bixiyaa carwo shaqo-abuur dalka Bangladesh lagu qabto oo la isugu keeno shaqo doonka jinsigooda beddelay iyo loo shaqeeyaha.

2. $2 Milyan – Waxaa kharashka Qaliinka lagaga bixiyey dad u dhashay Guatemala oo jinsigooda beddelaya.

3. $1.3 Milyan – Woqooyiga Macedonia, dadka isku jinsiga ah ee wax-iska-daya in loo abuuro jawi ay ku noolaan karaan.

4. $18,793 – Barnaamijyo wacyigelin ah oo dadka isku jinsiga ah ee is qaba ku dhiirrigelinaya in ay codeeyaan doorashooyinka, dalka Honduras.

5. $5.5 Milyan – Barnaamijyo lagu horumarinayo nolosha dadka isku jinsiga ah ee isqaba, dalka Uganda.

6. $65.7 Milyan – Dalka Congo, waxaa kharashka Qaliinka lagaga bixiyey rag lagu sameeyey Qaliinka (Vasectomy) awoodda dhalmada sida abadiye ah loogaga joojinayo ragga.

7. $595,000 – Waxaa lagu bixiyaa barnaamij lagu xoojinayo dadka isku jinsiga ah ee is guursada, ee ololaha ugu jira joojinta sharciyada dalkaas ee mamnuucaya dhaqankaas.

8. $4.3 Milyan – Waxaa lagu bixiyey adeegyo lagu caawiyey ragga is guursada ee dalka Koongur Afrika.

9. $15 Milyan – Waxaa lagu bixiyaa cinjirrada (Condom) uurka lagaga hortago oo lagu qaybiyey Afqaanistaan.

10. $446,700 – Waxaa lagu bixiyey ololayaal lagu dhiirrigelinayo diinlaawenimada (Ilxaadka) dalka Nepal.

11. $1 Milyan – Waxaa lagu caawiyey ururrada caawiya dadka af Faransiiska ku hadla ee isku jinsiga ah ee isguursada, dalalka Galbeedka iyo badhtamaha Afrika.

12. $47,020 – Dalka Colombia, Waxaa lagu bixiyey barnamaijyada lagu dhiirrigelinayo ku biirista fanka heesaha ee dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

13. $32,000 – Dalka Peru, waxaa lagu kharash gareeyey buug maaweelo ah oo loogu talagalay dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

14. $55,740 – Dalka Argentina, waxaa lagu caawiyey barnaamij wacyigelinta isbeddelka cimilada ah oo fulintiisa si gaar ah loogu naas nuujiyey, saxafiyiinta ka tirsan bulshada isku jinsiga ah ee is guursada.

15. Lacago kale oo Malaayiin doolar ah ayuu Maraykanku ku bixiyaa isla barnaamijyadaas lagu dhiirrigelinayo xidhiidhka damac ee dadka isku jinsiga ah, iyo dadka doonaya in ay jinsigaba ka xoroobaan, dalalka Slovakia, Cyprus, Woqooyiga Macedonia, dalalka gobalka Balkans ka la yidhaahdo, Serbia, Poland, Indonesia iyo Dalalka Caribbean.

Barnaamijyadan iyo kuwo iyagu aan dhaqanka khusaynba, waxaa hadda kharashkii lagu bixin jiray joojinaya Madaxweyne Donald Trump oo ku tilmaamay wax macno-darro ah oo lagu khasaariyo cashuurta dadka Maraykan.

Xigasho:Kamaal Marjaan


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading