Madaxweynihii hore Ee Maraykanka Trump oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday

Sida ay sheegta hay’adda sirdoonka ee FBI-da, Ninka looga shakinsan yahay in uu toogtay madaxweyne hore Donald Trump,ayaa lagu magacaabaa Thomas Matthew Crooks.

Waxay sheegeen in uu yahay Labaatan jir ka soo jeeda magaalada Bethel Park, ee Pennsylvania, sida ay ku xuseen warka ay soo saareen.

FBI-da,ayaa waxay sheegtay in arrinkaan ay ula macaamilayaan sida kiis isku day shirqool dil.

War uu ku soo daabacay Trump Bogga uu ku leeyahay shabakadiisa Truth, waxa uu sheegay in baalooto ay daloolisay Xubinta sare ee dhagtiisa midig. Mar sii horaysayna Afhayeenkiisa,ayaa sheegay in xaalkiisa lagu dabiibayo isbitaal maxalli ah.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading