Madaxweynaha Maraykanka,ayaa ku faanay in uu amray laynta Xubno muhiim ah oo argagixisada Daacisha ah,isagoo dhaliilay doorkii Madaxweynihii ka horeeyay ee dagaalka argagixisada.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social.
“Subaxnimadii maanta, waxaan amray duqeymo militari oo sax ah oo lala beegsaday horjoogaha weerarrada ISIS iyo argagixisada uu tababaray kuna hoggaaminayey Soomaaliya. Dambiilayaashan, oo aan ka helnay godad ay ku dhuumaaleysanayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo xulafadeenna. Duqeymuhu waxay burburiyeen godadkii ay ku jireen, iyagoo dilay tiro badan oo argagixiso ah, iyadoon waxyeello loo geysan shacab rayid ah”Ayuu yiri Trump.
“Militarigeennu wuxuu bartilmaameedsanayey horjoogahan muddo sanado ah,balse Biden iyo kooxdiisu ma dhaqaaqin si dhakhso leh si ay shaqada u qabtaan. Aniga ayaa qabtay! Farriinta aan u dirayno ISIS iyo cid kasta oo isku dayda inay weerarto Mareykanka waa,waan idin heli doonaa,waana idin helaynaa”Ayuu yiri markale Trump.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.