Trump oo sheegay in ay sii joogi doonaan Afgaanistaan dhaliilayna Pakistaan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbad uu xalay u jeediyey Shacabka Mareykanka uga hadlay istaraatiijiyadiisa cusub ee Afganstan iyo Koofurta Asia.

Trump ayaa sheegay in kabixitaan dhaqso ah oo ay ka baxaan dalka Afganstan ay abuuri karto marnaasho sababta in ay si dhaqso ah wadanka u qabsadaan kooxaha argagixisada.

Wuxuu tilmaamay in khatarta ka imaneysa Afghanstan iyo dhamaan dalalka dhaca Koofurta Asia ay tahay mid aad u ballaaran.

Istaatiijiyadiisa cusub ayuu ku sheegay in ay qeyb ka tahay inuu wanaajiyo xiriirka Mareykanka la leeyahay qaar ka mid ah dalalka Koofurta Asia oo ay ku jirto India, halka uu meel adag ka itaagi doono Pakistan oo uu ku eedeeyey in ay noqotay meel lagu naasnuujiyo kooxo uu ku tilmaamay wakiilada qaska, rabshad oogayaasha iyo argagixisada.

Trump ma uusan qeexin waqtiga ay qaadan doonto istaraatiijiyadiisa, gaar ahaan ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanstan, balse wuxuu sheegay inay ku xirnaan doonto hadba xaaladaha ka jira dhulka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading