Madaxweyne Donald Trump,ayaa si caro leh ugu jawaabay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Xafiiska Oval. Trump,ayaa codkiisa kor u qaaday, isagoo ku eedeeyay Zelensky in uusan ixtiraam lahayn.
Kulanka,ayaa bilawgii si deggan ku bilowday, laakiin xaaladda,ayaa is beddeshay markii Zelensky uu ka horyimid fikirka Madaxweyne Ku-xigeenka J.D. Vance, kaas oo soo jeediyay in wadahadal lala furo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, si dagaalka loo joojiyo.
Zelensky,ayaa si caro leh uga falceliyay,isagoo sheegay in Putin marar badan weerarro ku qaaday Ukraine, jebiyayna heshiisyo xabbad-joojin ah, isla markaana diiday in la is-dhaafsado maxaabiista dagaalka.
Trump ayaa Zelensky ku canaantay in uu khatar gelinayo in uu sababo dagaal caalami ah islamarkaana uu Mareykanka taageeray Ukraine in ka badan intii la filayay. Vance ayaa sidoo kale Zelensky ku eedeeyay inuusan hal mar uga mahadcelin hubka iyo dhaqaalaha Mareykanku siiyay Ukraine tan iyo 2022.
Kulanka oo markii hore loogu talagalay in loogaga wadahadlo heshiis dhanka Macdanta ah,ayaa kusoo dhammaaday Trump oo Zelensky u sheegay in uusan diyaar u ahayn Nabadda,wuxuuna amray in Ukraine laga saaro Aqalka Cad.
Halkan ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.