In ku dhow 6000 oo Qof sheeganaya Shaqaalaha Dowlada Fadaraalka ah,ayaa ku sugan Turkiga.
Dadkan,ayaa wata Basaboorka Shaqaalaha Dowlada (Service Passport).
Tani,waxay keentay in Dowlada Turkigu joojiso Basaboorka Shaqaalaha in ay ku bixiso Visa Safaaradeeda Muqdisho.
Sidoo kale Midowga Yurub,ayaa kusoo rogay Basaboor Somaliga nooc walba uu yahay,si gaar ahna Service Passport ee Shaqaalaha Dowlada in aan toos loo siin Visa.
Midowga Yurub,waxay soo saareen Shuruudo ay ka mid yihiin…
1.In laga dhigo Lacag rahmad ah Qofka Visa dalbada.
2.In 45-Cisho laga hayo Passport-ka.
Horay,waxay Shaqaalaha Dowladu ku heli jireen Visaha 14-Cisho gudahood.
Arinkan,waxaa keenay kadib markii Dad sheeganaya Shaqaalaha DFS ay iska dhiibeen Wadamada Midowga Yurub.
Halkan ka akhriso:-
JQ.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.