Faallo:-Turkiga oo fashil ka raacay dhexdhexaadintii Somaliya iyo Itoobiya

Yay dani ugu jirtaa kala kaca Kulankan?

Isfahan waaga Xamar iyo Adis,waxay fursad Dahabiya utahay Hargaysa.

Sidoo kale Ingiriiska,Midowga Yurub iyo Imaaraadka,waxay utahay fursad ay Turkiga ku fashilin karaan.

Yaa ku hungoobay kulankan?

Marka laga tusaalo qaato Sadex arimood oo kala ah….

1.Tagidii W.Arimaha Dibada Turkiga ee Adis iyo hadalkii uu sii daayay.

2.Xiriirkii la shaaciyay ee Erdogan uu la sameeyay Abiy ee loo hanwaynaa.

3.Soo hormarintii kulankii Sep loo balansanaa.

Calamaadahaas,waxay muujinayeen in Turkidu soo karkariyeen wax macno leh.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa goobta ka cadaatay in Turkidu aysan ucuslayn sida Somalidu moodayso.

Yaa isbadbaadiyay?

Xasan Sh.waa ka dabaashay arinkan oo ku noqon lahaa Virus Siyaasadeed Dhulka geliya.

Mucaaradka Dowladiisa ee xooga badan iyo fashilka ka haysta gudaha haday uraaci lahayd dabacsanaan uu umuujiyo Itoobiyaanka Card danbe oo Siyaasadeed uma harsanaadeen.

Inkastoo ay adag tahay in uu la loolamo Itoobiya oo ay dhabarka ka joogaan UK,Imaaraad iyo Midowga Yurub oo diidan galaangalka Xasan siiyay Turkiga ee Badda iyo Shidaalka Somaliya hadana Magac xumo kama raacin Xasan arinkan sida Musuqa iyo Eexda.

Su’aasha Maanta?

Midnimada Somaliya maku sii xakamaynmaysaa xurmaynta xeerarka caalamiga ah?

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading