Turkiga oo hakiyay booqashadii Wasiirka Gaashaandhiga Sweden

Turkiga,ayaa joojiyey booqasha uu Wasiirka Gaashaandhigga Sweden uu ku imaan lahaa Ankara.

Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar wuxuu sheegay go’aankaasi inuu yimid kaddib marki ay hay’adaha dowliga ee Sweden ay oggolaasho siiyeen inuu magaalada Stockholm uu ka qabsoomo dibad bax looga soo horjeeda Turkiga.

Rasmus Paludan oo ah siyaasi Denmark iyo Sweden ka soo jeeda wuxuu isku dayey inuu qur’aanka kariimka u uku horgubo safaaradda Turkiga.

Taageerayaasha Turkiga iyo Kurdiyiinta,ayaa sida oo kale qorsheynayey iney halkaasi mudaharaad ka dhigaan.

Wasiirada Turkiga iyo Sweden,ayaa lagu waday in ay ka hadlaan diidmada Ankara ee ku aaddan in Sweden ay ku biirto Gaashaan buurta NATO.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading