Turkiga oo ku adkeystay inuu Ruushka ka iibsanayo S-400

Turkiga ayaa maanta sheegay in aysan ka laaban doonin go’aanka ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalka casriga ah ee S-400, xittii haddii uu Mareykanka kusoo rogo cuna-qabateyn.

Washington ayaa uga digtay xukuumadda Ankara in aysan suurtagal aheyn in gantaallada Ruushka ee S-400 ee tiknoolijiga ku shaqeeya iyo diyaaradaha Mareykanka uu soo saaro ee F-35 ee ay horay uga iibiyeen Turkiga aysan hal meel isla gali karin, sababo la xiriira khatar ku imaan karta nidaamka difaaca dalalka reer Galbeedka.

Mareykanka wuxuu sheegay in uu hakin doono heshiiska uu Turkiga uga iibinayo ilaa iyo 100 diyaaradood oo ah nuuca F-35 ee dagaalka, isla markaana uu kusoo rogi doono cunaqabateyn, haddii aysan ka baaqsan qorshaha ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaallada S-400.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay, ayaa maanta sheegay in aysan ka laaban doonin heshiiska ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaallada lidka diyaaradaha ee S-400, kuwaas oo lagu wado in Turkiga la geeyo ugu danbeyn bisha July.

Turkiga iyo Mareykanka oo ah laba waddan oo ka wada tirsan isbaheysiga NATO, ayaa sannadihi dhawaa uu xiriirkoodu sii xumaanayay, waxay hadda aad ugu kala fogyihiin dagaallada Suuriya iyo xiisadda siyaasadeed ee Venezuela. Mareykanka ayaa la saftay mucaaradka, halka Turkiga uu taageeray dowladda madaxweyne Maduro.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading