Turkiga oo ku guulaystay samaysashada hanaanka VLS

Turkiga ayaa ku guulaystay inay samaystaan markii ugu horaysey hannaanka la yiraahdo VLS oo loo adeegsado in laga gano gantaalaha 90-ka digrii ah ee sare u baxaya.

Madaxweyne Erdoğan oo ka hadlayey xarunta maraakiibta lagu dhiso ee Istanbul Shipyard ayaa dib u Xasuustay marar badan oo Reer galbeedku u diideen inay hub ka iibiyaan,wuxuuna yiri sidan.

” Shalay Nidaamka VLS waxaan kasoo iibsan jirnay dibada,lknse maanta gudaha turkiga ayaa lagu sameeyey waa guul weyn oo aan bogaadinayo ,waxaana lagu qalabaynayaa markabka Istanbul Frigate.

Markaan Xasuusta dib u celino waxaynu xasuusanaynaa Markii aynu Dawladahaas ka dalbanay inay naga iibiyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Lknse way noo diideen inay naga iibiyaan, markaa kadib waxaynu samaysanay Diiyaaradaha Bayraktar, Phoenix, Akinji, iyo Aksungur.

Waxaan ka dalbanay inay naga iibiyaan rasaas, laakiinse nagama iibin, markaas kadib waxaan samaysanay Mam, Sun iyo Tipper.

Sidoo kale Waxaan rabnay inaynu gantaallo kasoo iibsanno, laakiinse way noo diideen inay naga iibiyaan, markaas ayaynu samaysanay Bora, Atmaja iyo Bozdag.

Markale waxaan ka codsanay inay naga iibiyaan nidaamka difaaca hawada, balse way noo diideen inay naga iibiyaan, markaas kadib waxaynu ka soo iibsanay Ruushka, Nasiib wanaag imikana waxaynu samaysanay nidaamkii lagu go’doomin lahaa hawada.maalmaha soo socdana waxaynu dhamaystiri doonaa Nidaamka Saibar.

Allah ayaa mahad leh,ma horumar ka weyn ayaa jira intaas talaabo ee aan qaadnay oo aan kaga xorownay waxba idinka iibin mayno .

Dhacdooyinkii ka dhacay gobolka tobankii sano ee la soo dhaafay waxay muujiyeen mar kale in dalalka aan lahayn warshado difaac oo aan hubkooda nooc kasta soo saarin karin in aysan madax banaanayn oo aanay mustaqbalka si kalsooni leh u eegi karin .

Lknse maanta Turkigu waa madax banaan yahay, waana mid go’aan qaadasho leh oo aan wax welwel ah qabin , oo aan cidna kala tashanayn horumarka warshadihiisa difaaca .

sababaha ugu muhiimsan ee turkigu guul uga gaaray dhinaca warshadaha difaaca,wuxuu buliwday markii Reer galbeedku ay inoo diiideen inay naga iibiyaan Hubkooda,mararka qaarkood wayba fiican tahay in wax laguu diido,sababtoo ah markaas waxaad qaadanaysaa Go’aan adag oo ficil la Socdo .

Reer galbeed hubkoodii way diideen inay naga iibiyaan ,Markaas kadib waxaan samaysanay Hub ka wanaagsan midkoodii “.

WQ.Abdirak Jubba.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading