Turkiga oo ku xiray shuruud adag ka mid noqoshada Sweden ee Nato

Madaxweynaha Turkiga,ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono qorshaha ay Sweden ku dooneyso inay kaga mid noqoto Nato haddii Midowga Yurub uu furo wadahadalka xubinimada dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sidookale ka digay inaan cidna ka sugin inuu tanaasul ka sameeyo dadaalka Sweden ee ku biirista NATO.

Gelinka dambe ee isniinta ayaa lagu wadaa inuu wadahadal la yeesho ra’iisul wasaaraha Sweden.

Erdogan ayaa is hortaagay codsiga Iswiidhan ee NATO tan iyo sanadkii hore. Waxa uu ka cabanayaa in ay ku guul darreysatay in ay wax ka qabato maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee lagu tuhmayo in ay halkaas ku nool yihiin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading