Turkiga oo si kulul uga hadlay duqeyn ka dhacday Libya.

Inta ka xaqiijiyay ilaa 28 ruux ayaa ku geeriyootay halka kuwa kalena ay ay dhaawacyo kasoo gaadheen, kadib duqayn lala beegsaday xarun militeri oo ku taalla caasimada Tripoli ee dalka Libya.

Dawladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay duqayntaasi ka dhacday xaruntaasi militeri, waxa ayna Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ay ugu baaqeen in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan General Khaliifa Xafder.

Tallaabadan ayaa uu Turkigu ku sheegeen in lagu badbaadin karo nolosha dadyowga reer Libya ee halista dagaal ee gadhaadh sii wajahaya, sida lagu daabacay wakaalada wararka dalka Turkiga.

Arrintan ayaana kusoo beegmaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay sii kordhayeen dagaalka qadhaadh ee u dhexeeya ciidamada daacada u ah General Khaliifa Xafder iyo kuwa dawladda ku meel gaadhka ah ee Libya


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading