Twitter-ka oo xaraashaya Kuraas,Miisas iyo Qalabka Muusigga

Milkiilaha Shirkadda Twitter Elon Musk,ayaa xaraashaya Astaantii hore ee Twitter-ka iyo Agab kale oo Shirkaddu laheyd kaddib markii uu ka guuray astaantaas. Wuxuu iibiyay alaab gaareysa 584 oo ay ku jiraan kuraasta Xafiiska, Sawirro iyo qalabka Muusigga.

Ilaa bilowgii Sanadkii hore waxay Shirkaddu isku dayeysay in ay dhinto qarashka,iyadoo shaqada ka joojisay kumanyaal Shaqaalihii Shirkadda ah.

Liiska Agabka la xaraashayo waxaa ku jira calaamadda Shirkadda Shimbirta taas oo weli ku dheggan qeyb ka mid ah dhismaha Shirkadda.

Xarunta Shirkadda waxay ku taal San Francisco Wadanka Maraykanka.

Bishii hore waxay Madaxda Shirkada si kumeel gaar ah dhowr meel uga joojiyeen astaanta Twitter-ka.

Xaraashka Agabka Shirkadda waxa uu bilaabanayaa 12-ka bisha soo socota ee Sebtembar, wuxuuna soconayaa Labo maalmood.

Elon Musk wuxuu Twitter soo geliyay 44-Bilyan oo Dolar.

Dhowr tallaabo uu qarashka ku yareynayo,ayuu qaaday.

Horaantii sanadkan waxay xaraasheen Boqolaal ka mid ah qalab yaalay xarunteeda San Francisco.

Bishii hore ayey Shirkaddu badashay Astaanteeda aheyd Shimbirta Buluugga ah waxayna ku badashay caalamad X oo isugu jirta Caddaan iyo Madow.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading